Daily Star : Jose Mourinho Waxa Uu U Dhaw Yahay In Uu Chelsea U Saxiixo Hishiis Afar Sano Ah .

Daily Star : Jose Mourinho Waxa Uu U Dhaw Yahay In Uu Chelsea U Saxiixo Hishiis Afar Sano Ah .

daajis.com:-Wargeyska Daily Star ee ka soo baxa Ingiriska  ayaa  soo qoray in tababare  Jose Mourinho uu qabanayo hogaanka kooxda Chelsea muddo gaareysa afar xilli ciyaareed .

Waxa uu wargeyskaan tilmaamayaa in tababare Jose Mourinho uu qaadanayo  ugu yaraan mushaar dhan 15-milyan oo euro oo ah mushaar sanadla ah .
Mushaarka uu tababarahaan Jose Mourinho ka qaadanayay kooxda Real Madrid ee uu ka soo tagayo  marka  xilli  ciyaareedkaan xermaya ayaa sanadkii gaarayay 12-milyan oo euro .
Chelsea si rasmi ah uma shaacin in Jose uu Chelsea ku soo laabanayo balse warbaahinta Ingiriiska ayaa ka hadlaya in hishiiskaas shaacintiisa uu dhacayo maalmaha soo socda .
Jose Mourinho ayaa horay u soo tababaray Chelsea inta u dhaxeysay 2004-ta iyo 2007-da isaga oo xilligaas ka yimid kooxda FC Porto , waxa uuna la qaaday laba jeer oo horyaalka Ingiriiska ah iyadoo ka dib uu u wareegay kooxda Inter Milan .
Sanadkii 2010-ka ayuu Jose Mourinho uu noqday macalinka kooxda Real Madrid iyadoo sedex xilli ciyaareed oo uu la qaatay uu kula guuleystay hal horyaal oo La Ligaha ah , koobka Cope Del Rey iyo koobka Super Cup .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada