RASMI: Roberto Martinez Oo Loo Magacaabay Macalinka Everton.

RASMI: Roberto Martinez Oo Loo Magacaabay Macalinka Everton.

daajis.com:-Everton ayaa xaqiijisay in Roberto Mancini uu yahay macalinkooda cusub ka dib markii uu ka tagay David Moyes oo qabtay Manchester United.

39 jirkaan reer Spain ayaa kaga soo biiraya Everton kooxda Wigan Athletic isagoo heshiis afar sanno ah u saxiixay kooxda ka dhisan Goodison Park.
Martinez ayaa ugu cadcadaa inuu nooqnayo ninka bedelaya David Moyes oo 11 sanno uu Everton hogaaminayay ka dib ka tagay islamarkaana qabtay Manchester United.
Waxa uu noqon doonaa macalinkii 14aad ee kooxda, iyo tababarihii ugu horeeyay ee ka baxsan dalalka UK ee qabta kooxda Blue Merseyside.
Martinez ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday koobka FA Cup ku hogaamiyay Wigan Athletic inkastoo ay ku guuldareysteen inay sii joogaan Premier League.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada