Farxiyo Saalax “Anoo Indhaheyga Shanta Yihiin Ayuu Rabaa inuu Ookiyaala ii Galiyo Sideen Wax Yeelaa” Xaaji Tahriib oo Talo Bixinaya

Farxiyo Saalax “Anoo Indhaheyga Shanta Yihiin Ayuu Rabaa inuu Ookiyaala ii Galiyo Sideen Wax Yeelaa” Xaaji Tahriib oo Talo Bixinaya

daajis.com:- ILA TALI:-Waxa ay Warqad Talo Celin ah Naga soo Gaartay Gabar Magaceeda Ku Sheegtay Farxiyo Saalax Kuna Sugan Dalka Soomaliya Gaar Ahaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, Waxa ayna Qoraalkeeda Talada ay Nagu soo Weydiisatay ey Ku Bilowday Sida Tan:-

Marka Hore Waad Salaaman Tihiin Dhamaan Shaqaalaha Shabakadda iftineducation.com ee Arimha Qoyska Ka Faaloota Waxaanse Si Qaas ah u Salaamaya Tala Celiye Xaaji Tahriib oo inbadan aan Talooyinkiisa Aqristay, Salaan Ka Dib.

Wax i Heysata Arin aan Ka Fursan Waayay inaan Talo Kaasoo Weydiisto Xaaji Tahriib Taasoo ah Nin Baa Xiriir Waxa uu Naga Dhexeyaa Mudda Halsano Iyo Bar ah intaasna Maalin Xataa Qilaaf Nama Uusan Soo Kala Dhex Galin Waxa aan aheyn Lamaanayaal aad isugu Wanaagsan Hayeeshee Todobaadkaan ayaa waxa uu iila Yimid Fikir ah aan ku Masaafeysta ( Meher Xadidi), Kadibna Labada Reer Ayaa Ka Xaalaa oo Reerkiina Waxa loo Keenaa Xil iyo Xumeyn, igamana aha Xumaan ee Lacag aan Maanta Ku Aqal Galno oo aroos aan kugu dhigo Ma Heysta Waad Ogtahay Reer Dan Yar ah ayaan Ka Dhashay ayuu igu yiri, ee Hadaba Xaaji Tahriibow Adaa aabihii Talo Celinta ehee Sideen Ka Yeelaa Ninkaas Raba inuu ookiyaalo ii Galiyo Anigoo indhaheyga Shanta Yihiin .


TALO CELIN:-

Farxiyo Marka Hore Waad Mahadsan Tahay Salaanta aad Hawada noosoo Marisayna Mid Lamid ah ayaan Anagana kusoo Salamana.

Walaal Marka Hore Ninka Saaxibka ah ee aad Halka Sano iyo Barka Wada Socoteen ee Saacaan Lasoo Shir Tagay aan Ku Masaafeysta Waa Qof War Kuu Dhameeyay,Taana Waxa ay Ka Tarjumeysay in uusan Diyaar u aheyn Wadada Samaha Iyo Mustaqbalka, Mana Jecla In Reerkiina iyo Reerkoooda isku Wanaagsanaadan Si aad u heshaan Ubad Lagu Calool Fiyow Yahay oo Ku Dhashay Guur Laysaga Soo Geed Fariistay.

Talada aan Kusiinaya waxa ay Noqoneysaa Ninkaas Saaxibkaa ah Waxaa aad U sheegta in Alle Kasokow Hooya iyo aaba Da,da aad Hadda Jirta ay Kusoo Gaarsiiyen Kuguna Soo Tiir Tacab Beeleen ee Haduu Guur Doon Yahay in Wadadii Gabar Loosoo Mari Jiray uu Ku soo Maro, Wax La,an Layskuma Naco ee Hilibkaaga aan Banaanka Ku Feento ayaase Kasii Daran.Taladaas Waxa Lasiiyay Gabar Magaceeda Ku sheegtay Farxiyo Saalax oo Warqad Nooga Soo Dirtay Dalka Soomaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.


Talo Celiye:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
xajitahrib@gmail.com
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada