Daawo Sawirro Horleh:- Howlgalkii madaxtooyada oo lasoo afjaray iyo kooxihii weerarka qaaday oo la laayay

Daawo Sawirro Horleh:- Howlgalkii madaxtooyada oo lasoo afjaray iyo kooxihii weerarka qaaday oo la laayay

daajis.com:-Abaarihii sideeda fiidnimo ee caawa ayaa waxaa ay saraakiisha howlgalkii weerarka madaxtooyada ku dhawaaqeen in lasoo afjaray weerarka islamarkaana ay laamaha amaanka xaqiijiyeen amaanka madaxtooyada iyo nawaaxigeeda.

Kooxo hubeysay oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus caawa fiidkii ku qaaday xarunta madaxtooyada, iyagoona weerarkooda ku bilaabay qaraxyo ismiidaamin oo ay daba socdeen weeraro toos ah.

Sagaal ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa goobta ku dhintay iyadoona ay sidoo kale jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askarta dowladda balse aan wali tiradoodu cayimneyn.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay sheegatay masuuliyadda weerarkii caawa.


Waxaa markii labaad oo ay Al-Shabaab weerar culus oo toos ah ku qaadayaan xarunta madaxtooyada oo hoy u ah madaxweynaha iyo golaha wasiirada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada