FIFA WOLRD COP LIVE:- Brazil 0-5 Germany, Toos u la soco Cayaartaan

FIFA WOLRD COP LIVE:- Brazil 0-5 Germany, Toos u la soco Cayaartaan

daajis.com:-Waxaa goordhow bilaabatay cayaar adag oo dhexmareyso xulalka Brazil iyo Jarmalka, waxaana ciyaartan ay qayb ka tahay wareegga afarta ee koobka Aduunka.

DAQIIQADII 11-aad: Jarmalka ayaa qabtay hogaanka ciyaarta, kadib marki uu gool u dhaliyay weeraryahankooda Thomas Mueller.

Ciyaarta ayaa u muuqata inay ku yara sareyso cayaartoyda xulka Jarmalka oo garoonka lasoo galay inay guul ka gaareen dhigooda Brazil.

DAQIIQADII 23-aad: Xulka Jarmalka ayaa helay goolka Labaad, waxaana u dhaliyay laacibooda lagu magacaabo Miroslav Klose.

DAQIIQADII 24-aad: Jarmalka ayaa gool saddexaad u dhaliyay Toni Kroos.

DAQIIQADII 25-aad: Brazil ayaa ilaalsan weyday shabaqa, waxaana laba daqiiqo gudahood laga dhaliyay saddex gool, goolka afaraad xulka Jarmalka waxaa u dhaliyay Toni Kroos.

DAQIIQADII 29-aad: xulka Jarmalka ayaa helay goolka shanaad, waxaana u saxiixay Sami Khedira.

Qeybtii kowaad ayaa ku dhamaatey 0-5 oo ay hogaamineyso Jarmany

Si Toos ah u Lasoco qeybta 2aad ee ciyaarta. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada