Xog: Cabdi Weli oo shaki ka qaaday qeybta weerarka uu ka saameeyey Villa Somalia iyo kullan deg deg ah oo…

Xog: Cabdi Weli oo shaki ka qaaday qeybta weerarka uu ka saameeyey Villa Somalia iyo kullan deg deg ah oo…

daajis.com:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  kulan deg deg ah oo aan horey loo sii qorshayn caawa ugu qabtay xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa yimid in yar kadib markii uu soo gebagaboobay weerar culus oo lagu qaaday xarunta Madaxtooyada, Masuuliyadiisana ay sheegteen Ururka Alshabaab ee ka dagaalama qeybo ka tirsan Dalka.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in ra’iisul wasaaraha uu shaki u gaar ah qabao, kaasi oo ku saabsan qaabka weerarka lagu soo qaaday iyo dhinaca weerarka uu ka saameeyey Villa Somalia.

Xogta ina soo gaareyso ayaa tibaaxeysa in Reysul wasaare C/Weli uu si weyn uga careysan yahay weerarkii caawa inuu si gooni ah u saameeyo qeybta Madaxtooyada ay xafiiskiisa uu ku yaallo, Iyadoo rasaas culus ay ka hor dhaceysay inta dagaalku socdey afaafka hore ee xafiiska Reysul wasaaraha Xukuumadda.

Sida aan horey u shaacinnay, waxaa weerarka laga soo qaaday dhinaca madaxtooyada ee Boondheere, halkaasna waxaa ku yaalla xafiiska Cabdi Weli.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay saacado heysatay Xafiiska. Illaa iyo hadda lama oga shakiga uu qabo Cabdi Weli iyo sida wax u socdaan.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka maqnaa Villa Somalia, markii uu weerarka dhacayey, taasi oo iyana su’aalo abuurtay.

Kullanka ayaa la sheegay in xoojinta amniga iyo weerarkii caawa looga hadlay, hase yeeshee wax faaah-faaahin ah weli lagama helin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada