Ciidamada Dowlada:- oo Xeray dhamaan wadooyinka waa weyn ee leysku gala Goosha iyo Rasaas Laga Maqlayo Degmooyinka Muqdisho..

Ciidamada Dowlada:- oo Xeray dhamaan wadooyinka waa weyn ee leysku gala Goosha iyo Rasaas Laga Maqlayo Degmooyinka Muqdisho..

daajis.com:-Waxaa Caawa inta badan Degmooyinka Magaalada Muqdisho laga maqlaaya Rasaas teel teel ah kuwaasi oo la sheegay inay ridayaan Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia.

Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay inta badan xireen Wadooyinka gala Degmooyinka, waxa ayna ridayaan rasaas ay ku kala ceyrinayaan dadka kusoo baxay Gurxanka Qaraxyada iyo Rasaasta ku soctay Madaxtooyada Somalia.

Ciidamada ayaa la sheegayaa in sidoo kale xireen Laamiyaasha halboolaha u ah Magaalada Muqdisho si aysan Dagaalka u galin Ciidamo ka tirsan Alshabaab oo gurmad u ahaa Alshabaab weerarka ku qaaday Madaxtooyada.

Dhanka kale, Xaalada Magaalada muqdisho ayaa caawa kacsan waxaana wadooyinka dhooban Gaadiid iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada oo baarayo gaadiidka ay saran yihiin Ciidamada ay wataan Mas’uuliyiinta Dowlada.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada