Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Villa Somalia iyo khasaaraha + Xafiisyada Xasan iyo Cabdi Weli oo…

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Villa Somalia iyo khasaaraha + Xafiisyada Xasan iyo Cabdi Weli oo…

daajis.com:-Dagaalkii Al-Shabaab ay caawa ku qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa weli socda, waxaana la sheegayaa inuu xoogeystay.

Dagaalka iyo qaraxyada ayaa markii laga soo baxay salaadda maqrib oo loo fadhiistay afurka ka bilowday illinka madaxtooyada ka xiga dhanka degmadda Boondheere.

Waxaa la sheegayaa in rag is-miidaamiyayaal ah ay weerarka soo  qaadeen. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ah Al-Shabaab xiran dharka ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxa ay marka hore qaraxyo ku bilaabeen albaabka madaxtooyada ee dhanka Boondheere, waxaana kadib ay xijiyeen rasaass xooggan, ayaga oo gudaha u galay Villa Somalia.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weerarku uu ku bilowday kadib markii baabuur ay la socdaan dablaydu uu isku dayey inuu xoog ku galo madaxtooyada kadibna ay hor istaageen ciidamada.

Daqiiqado kadib ayaa la sheegay inuu is qarxiyey mid ka mid ah dadblayda la socotay babauurka, waxaana xigay ciidamo lugta ku sucoda oo weerar kusoo qaaday dhismaha madaxtooyada.

Wararku waxay sheegayaan in laba ka mid ah dablayda weerarka soo qaadday lagu dilay balse ay weli ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa.

Dagaal-yahannada Al-Shabaab, ayaa lagu warramayaa inay qabsadeen xafiiska ra’iisul wasaare Cabdi Weli ee gudaha madaxtooyada, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee gudaha Villa Soomaaliya.

Al-Shabaab waxa ay sheegatay inay dileen 15 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya ilaa 7 qof inay dhinteen oo u badan askarta dawladda iyo dablayda weerarka soo qadaday.

Af-hayeenka dawladda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa VOA u sheegay inay bad-qabaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirrada.

Kooxda weerarka soo qaadday, ayaa lagu warramayaa inay ka dagaalameen gudaha madaxtooyada, oo huganka rasaas iyo madaafiic aad looga maqlayey.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax Barre, ayaa xaqiijuyey in dagaalka iminka uu dhammaaday kadib markii ay dileen dhammaan xubnihi Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Wixii warar ah ee arrintan kusoo kordha ha naga dheeraan insha allah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada