Falastiini iyo Israiliyad is guursaday iyo mudaaharaad lagala hortagay

Falastiini iyo Israiliyad is guursaday iyo mudaaharaad lagala hortagay

daajis.com:-Afar qof oo Yuhuud ah oo ka tirsan xisbiga midig fog oo ku mudaharaadayay xaflad loogu dabaaldegayay aroos heer sare ah oo ay isku guursanayeen nin Carab ah oo Muslim ah iyo haweeney Yuhuud ah oo soo islaamtay.


Habeenkii Axadda boqolaal qof oo Yuhuud ah ayaa ku hor mudaaharadaay dhismaha ay ka dhacaysay xafladda oo ku yaalla magaalada Tel Aviv ee caasimadda dalka Israil, xilli aad loo adkeeyay ammaanka.

Lamaanahaas oo la kala yiraahdo Maxamuud iyo Morel ayaa xafladda arooskooda waxaa kala qeyb galay oo ay ku casuumeen 600 oo qof.

Lamaanahaasi waxa ay isku jeclaadeen gudaha magaalada Tel Aviv, waxa ayna maxkamad ka dalbadeen inay soo saarto amar lagu joojinayo mudaharaadyada lagu diidan yahay Arooskooda.

Hasayeeshee taagerayaasha kooxda Lehava ee midig fog oo ka soo horjeeda in ay isdhexgalaan Carabta iyo Yuhuuda ayaa loo ogolaaday inay mudaharaadkooda ku qabsadaan meel u jirta 200 oo mitir goobta uu ka dhacayo arooska.


Lamaanahaasi cusub waxa ay ku diirsadeen taageero ay heleen, taageerada ugu weyn ee la xusi karana waa madaxweynaha Israa'iil oo cambaareeyay dadka dibadbaxa dhigayay ee ka soo horjeeda arooskaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada