Dr. Gaas‘’Nicholos Key waxa uu noo sheegay in uu dhisayo Buundo kala qeybiso Puntland iyo Dowlada Fadaralka''

Dr. Gaas‘’Nicholos Key waxa uu noo sheegay in uu dhisayo Buundo kala qeybiso Puntland iyo Dowlada Fadaralka''

daajis.com:-Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland kaga qayb galay Xaflad lagu weynaynayay Sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii la asaasay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaliya UNSOM.

Munaasibada oo ka dhacday Gudaha Xarunta Un-ka ee Garoowe ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulahi Camay, Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay,Wasiiro,Xildhibaano ,Culimo Udiin,Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,Isimo iyo marti sharaf kale.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad ka jeediyay Xaflada ayaa u hambalyeeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska UNSOM guud ahaan Soomaliya,isagoona kula dar daarmay in ay laba jibaaran Howsha ay uhayaan shacabka Soomaliyeed Gaar ahaan Puntland.

‘’Puntland waxa ay u taagan tahay Mar walba Midnimada Soomaliya,Wada jirka Soomaliya,Puntland waxay mar walba rabta in Soomaliya ay la soo laabato Qaranimadii Somaliya jiritaankeedi iyo dowladnimadeedi si taamana ay u hantido ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Nicholos Key waxa uu noo sheegay in uu rabo in uu dhiso Buundo u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Fadaralka,waxaan leenahay anagu diyaar baanu u nahay in la dhiso buundadaasi laakin cid waxaa jirta iyadu dube u haysata in buundadaasi dumiso waxa laraba marka in iyaga aad u sheegto in Puntland ogolatay in buundadasi la dhise war idinku ka daaya Dubaha ku dheh ’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.


Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Sidoo kale tilmaamay in Shaqaalaha iyo Maamulka Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaliya UNSOM ee ka howlgala Puntland ay dowalada Puntland la leeyihiin Xiriir wanagsan waxana uu ku bogaadiyay in ay wadaan dadaal kooda .

Xafiiska UNSOM waxa la asaasay 3-dii June 2013,waxana asaasay Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay,waana xafiis loogu talagalay in uu ka howlgalo gudaha dalka soomaliya,isagoona ka taageeraya Soomaliya Nabada iyo Dowlada dhisida,horumarinta Hanaanka Fadaralka,dib u eegista Dastuurka iyo in uu door muuqda ka qaato Doorashooyinka 2016-ka ka dhacaya Somaliya .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada