VIDEO:- Mo Farah oo Biladii Labaad ee Dahab ku guuleysay, kadibna sameeyay MoBot

VIDEO:- Mo Farah oo Biladii Labaad ee Dahab ku guuleysay, kadibna sameeyay MoBot

daajis.com:-Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee u orda Britain MO Farah ayaa mar kale ku guuleystay biladdii Labaad ee Dahab ah, kadib markii uu orodka 5000 Mitir uu ku guuleystay tartanka European Athletics Championships ee ka socda magaalada Zurich.

Mo Farah ayaa ku orday 14:05:83, waxaana uu ka horeeyay ciyaaryahan Hayle Ibrahimov oo u dhashay Azerbaijan oo ahaa ninkii ku soo xigay, halka kaalinta saddexaad uu galay Andy Vernon.

MO Farah ayaa noqday ninkii labaad ee taariikhda ku guuleysta labo biladood dahab ah, iyadoo Tartankii Ciyaaraha Olimbikada ee London 2012 uu ku guuleystay orodka 10-ka kun iyo 5-ta Kun.

Mo ayaa markii uu hubsaday in uu guuleystay ka hor inta uusan cagta dhigin, riiginta guusha ayuu wuxuu xusay Alle isagoo ku shukriyay ilbiriqsigii u danbeeyay ee guushiisa, kadibna wuu sujuuday, isagoo sameeyay calaamadii caanka uu ku noqday ee MoBot-ka oo dunida caan ka noqday.

Wuxuu Arbacadii Mo Farah uu ku guuleystay bilada dahabka 10 kun Mitir, taasoo ka dhigeysa taariikhda mid ku cusub ciyaaraha  European Athletics Championships.

HALKAN KA DAAWO VIDEO IYO SAWIRRO



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada