Hogaanka cusub ee Al Shabaab oo wadahadal la furaya saraakiil uu hogaaminayo…

Hogaanka cusub ee Al Shabaab oo wadahadal la furaya saraakiil uu hogaaminayo…

daajis.com:-Kadib geeridii Axmed Godane iyo soo ifbaxii hogaanka cusub ee Al Shabaab waxaa durbadiiba bilowday in wadahal lala furo saraakiishii dagaalka uu kala dhaxeeyay Axmed Godane ee duurka galay raggaasi oo qaarkood magaalo arag muddo sanado ah.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah culimada Al Shabaab iyo saraakiisha kooxdaasi ugu sareysa ayaa ka sheegay masjid kuyaal magaalada Baraawe iyo dhowaan ay qorsheenayaan in magaalooyinka ay ku harsan tahay kooxda lagu arki doono rag waaweyn oo si weyn dadka ay u jeclaayeen balse indhahooda aysan qaban waxaana raggaasi uu sheegayay Shongole kamid ah Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur kaasi oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa saraakiisha sida weyn dagaalka ugala dhaxeeyay Axmed Godane.

AL Shabaab saraakiisheeda gaar ahaan garabkii Axmed Godane kasoo horjeeday ayaa waxa ay ahaayeen kuwa galay duurka waxaana muuqaneysa in hadda ay bilaabeen Al Shabaab gaar ahaan hogaankeeda cusub in ay isku keenaan dhamaan raggii ka galay duurka ee kasoo horjeeday fikirkii Godane iyo kuwa naftooda la baqay.

Fu’aad Maxamed Khalaf waxa uu sheegay in ay la midoobi doonaan dhamaan saraakiishii kasoo horjeeday Amiirkoodii la dilay wuxuuna dhanka kale balan qaaday in ay sameyn doonaan soo jiidasho shacabka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada