NEWS:- Finland oo maxkamad saareysa afar loo heysto maalgelinta Alshabaab

NEWS:- Finland oo maxkamad saareysa afar loo heysto maalgelinta Alshabaab

daajis.com:-Xeer Ilaalinta Qaranka dalka Finland ayaa 4 ruux oo dalkaas laga qabtay ku eedeysay iney maalgeliyeen ururka Alshabaab ee dalka Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Finland, Elina Hypponen ayaa wakaaladda wararka AP u sheegtay iney tahay markii ugu horreysay ee dalka Finland lagu maxkamadeeyo dad loo heysto arrimo argagixiso.

Afartaan ruux ayaa ku eedeysan iney lacago u uruuriyeen ururka Alshabaab ee ku xiran Alqaacidda intii u dhaxeysay sanadihii 2008 ilaa 2011.

“Kumanaa lacagta Euro ah ayay dadkaani u uruuriyeen dhaqdhaqaaqa Alshabaab intii u dhaxeysay sanadihii 2008 ilaa 2011” ayay tiri Elina Hypponen.

Mid ka mid ah dadka xiran ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu Alshabaab askar ahaan dalka Finland uga soo qoray dhalinyaro u dagaalanta.

Xeer Ilaalinta Finland ayaa sheegtay in eedeysanayaashu diideen eedeymaha loo jeediyey, waxaana haddii falkaas lagu helo lagu xukumi karaa xabis 8 sano ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada