XOG CUSUB:- Yaa fududeeyey Dilkii Axmed Cabdi Godane?

XOG CUSUB:- Yaa fududeeyey Dilkii Axmed Cabdi Godane?

daajis.com:-Morten Storm oo ah Nin u dhashay dalka Denmark balse ka tirsan Sirdoonka Maraykanka ayaa Sheegay innuu soo basaasay Hogaamiyihii la dilay ee Ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Sirdoonka Maraykanka ayaa Sheegay inney ku bixiyeen dilkii Hogaamiyihii Al-Shabaab Adduun Lacageed oo dhan $ 20-Milyan,iyagoo gaashanaya Ajaanib iyo Soomaali ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Xarakadda Al-Shabaab ayaa duqeyntii ay fuliyeen Diyaaradihii Drones-ka ahaa ee lagu diley hogaamiyahooda Axmed Cabdi Godane ku eedeeyay inney fududeeyeen Ajaanib iyo Soomaali ka tirsan Ururkooda.

Hogaamiyaha Cusub ee Al-Shabaab ayaa haatan waxaa soo food saartay cabsi waxaana uu xir xiray Saraakiil Ajaanib iyo Soomaali isugu jirta oo looga Shakiyay inney basaaseen Axmed Cabdi Godane.

Morten Storm ayaa horay u Basaasay Saraakiil ka tirsanaa Ururk Waynaha Al-Qaa’idda oo uu muddo ku dhex noolaa ka dib markii uu Sheegay innuu yahay Nin ku soo biiray Diinta Islaamka.

Sikastaba ha ahaatee Raggii Basaasay hogaamiyihiin Ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa la Sheegay inney haatan qorshaynayaan Basaasida Saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada