Korneel AMISOM katirsan oo Maxkamad kasoo muuqday

Korneel AMISOM katirsan oo Maxkamad kasoo muuqday

daajis.com:-Maxkamada ciidamada dalka Uganda ayaa maanta magaalada Kampala ku dhagaysanaysa dacwad loo haysto mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga oo loo haysto inuu si dhuumaalaysi kusii iibsaday shidaal ciidamada AMISOM lahaayeen.

Sargaalkaan oo magaciisa la yiraahdo Korneyl Xasan Kimbowa oo madax u ahaa guutada 11,aad ee ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu wax isdaba marin ku sameeyeen shidaal ciidamadu lahaayeen oo uu si suuq madow ah u iibsaday sida lagu qoray wargeyska New Vision oo dalka Uganda kasoo baxa.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada Uganda Maj. Gen. Levy Karuhanga ayaa u sheegay warbaahinta dalkiisa in sargaalkaan maanta kiiskiisa la qaadayo loo ogolyahay inuu ka jawaabo eeda loo haysto ayadoo sidoo kalena la dhagaysan doono dad marqaatiyaal ku ah waxaana uu intaa ku daray in todobaadka soo socda go’aan laga gaari doono.

Korneyl Xasan Kimbowa oo Soomaaliya ka shaqeynayay intii u dhaxaysay bilihii June 2013 iyo February 2014 ayaa waxaa lagu oogay dambi ah inuu ganacsato Soomaaliyeed ka iibiyay shidaal cadadkiisu dhanyahay 2,400 oo liter.


Saraakiil dhawr ah oo ka tirsan ciidamada Uganda ee Soomaaliya ka howlgala ayaa maxkamadeyn dalkooda uga socotaa waxaana dhamaantood loo haystaa wax isdaba marin ay ku sameeyeen saanad ciidan, raashin iyo shidaal ciidamada loogu talo galay.

Dadka qaarkii ayaa aaminsan in ciidamada AMISOM ay agabyadooda iibsadaan marka aykasoo dib dhacdo lagacta mushaarka ah ee ay qaataan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada