Daawo Video :- Muungaab oo xariga ka jaray Iskuulka Maxamuud Mire

Daawo Video :- Muungaab oo xariga ka jaray Iskuulka Maxamuud Mire

daajis.com:-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xassan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xariga kajaray  Iskuulka Maxamud Mire ee kuyaala degmada Waaberi  kadib markii dayactir lagu sameeyay kaasoo ka mid ah dugsiyada ay dowlada Soomaaliya maamusho islamarakaana ay si bilaash ah wax ugu bartaan ardayda Soomaaliyeed ee kunool degmada Waaberi iyo deegaanada ka agdhow.


Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale maanta booqday Dugsiga tababarka farsamadda gacanta iyo farshaxanka oo kuyaala degmada Waaberi halkaasoo lagu wado inay wax ku bartaan dhalinyaro Soomaaliyeed si loo baro xirfado ay ku shaqeystaan taasoo qeyb ka ah la daagalanka shaqo la’aanta iyo jahliga.

Dugsigaan ayaa waxaa dhinaca kale ku tababaran doona dadweynaha ku nool degmada Waaberi gaar ahaan kuwa daneynaya inay bartaan farsamada gacanta. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmada ayaa kormeerka kadib waxa ay qalab xafiiseed kudoonsiiyeen saldhiga Booliska ee degmada Waaberi iyadoo uu ka gudoomay taliyaha saldhigaasi Maxamed Qaasim Axmed.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada