Daawo Sawirada:- Magaalada Muqdisho oo maanta lagu daah furay bandhiga tirakoobka dadka Soomaaliyeed

Daawo Sawirada:- Magaalada Muqdisho oo maanta lagu daah furay bandhiga tirakoobka dadka Soomaaliyeed

daajis.com:-Munaasabadan lagu daah furayay bilowga sahanka tirakoobka dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaana kasoo qeyb galay Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna wasiirka diinta iyo awqaafta xubno karirsan golaha wasiirada, madaxa hay’ada qaramada midoobay ee UNFPA iyo marti sharaf kale,

Ajandaha isku imaatinkan ayaa ahaa in wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah oo kaashaneyso hay’adan ay soo bandhigto sahan ay ku sameysay tirada dadka Soomaaliyeed iyadoo aysan wasaaradu soo bandhigin nambarka dadka Soomalida lagu qiyaasayo,

Wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa ugu horeyn ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray sahankan lagu tira koobayo dadka Soomaalida ah.

Madaxa hay’ada UNFPA ee Soomaaliya Sheekh Ciise ayaa kahadlay marxaladihi uu soo maray sahankan iyo ahmiyada uu leeyahay maadama tiro koob sax ah aan mudo la sameyn xiligana uu yahay waqtiga sida rasmiga ah ay tahay in loo sameeyo,

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Saciid Cabdullaahi (Dan)i ayaa isaguna ka hadlay munaasabada lagu soo bandhigayay qorshaha sahanka tirakoobka waxa uuna sheegay wasiirku in talaabo horumarineed ay dowlada Soomaaliyeed u tahay inay dadkeeda si sax ah u ogaato.

Kusimaha Ra’isul wasaaraha ahna wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumada Soomaaliya oo soo gabagabeeyay munaasabadan maanta ayaa tilmaamay in horumar uusan jiri Karin hadii uusan jirin tira koob rasmi ah isagoo tusaale usoo qaatay dhanka gargaarka iyo arimo kale

Tirakoobka qabyada ah ee aan rasmiga aheyn hadda waxa uu noqday 12.360 in ay yihiin dadka Soomaaliyeed eek u nool gudaha wadanka ilaa hadda inta la tiro koobay iyadoo aan weli tiro koob dhameystiran lagu sameyn muwaadiniinta dalka dibadiisa kunool.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada