daajis.com:-Dowlada Turkiga ayaa dib u dhis balaaran waxa ay ku sameesay qaar kamid ah Laamiyada Muhuumka ah ee Magaalada Muqdisho, kuwaa oo mudo sanado badan ah aan helin wax dayactir iyo dib u dhis midna.
Qaar badan oo kamid ah Laamiyada Magaalada Muqdisho ayaa dib loo dhisay waxaana marka aad marto Laamiyadaasi dareemaysaa in wax badan ay isbadaleen oo Muqdisho ay cagta saareyso wadadii dib u dhiska.
Injineerada Turkiga ee dhisay Laamiyada Magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyay in aysan ka fikirin dhismaha ay ku sameeyeen Laamiyada Muqdisho , waxaana kamid ah qaladaadka ay sameeyeen in aysan u sameyn laamiyada ay dhiseen meelo biyo mareen ah oo biyaha roobka maraan.
Magaalada Muqdisho marka uu roob ka da’o waxaa Laamiyada Muqdisho gaar ahaan kuwa la dhisay sida Maka Al-Mukarama waxaad ku arkaysaa biyo badan oo fadhiya iyo dhiiqo laamiyada dhinaceeda taala, taa wax badan u dhimaya bilicda iyo quruxda Laamiyada Muqdisho gaar ahaan kuwa dib u dhiska lagu sameeyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:00 and have






