daajis.com:-Kadib geeridii Axmed Godane iyo soo ifbaxii hogaanka cusub ee Al
Shabaab waxaa durbadiiba bilowday in wadahal lala furo saraakiishii
dagaalka uu kala dhaxeeyay Axmed Godane ee duurka galay raggaasi oo
qaarkood magaalo arag muddo sanado ah.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah culimada Al Shabaab iyo
saraakiisha kooxdaasi ugu sareysa ayaa ka sheegay masjid kuyaal
magaalada Baraawe iyo dhowaan ay qorsheenayaan in magaalooyinka ay ku
harsan tahay kooxda lagu arki doono rag waaweyn oo si weyn dadka ay u
jeclaayeen balse indhahooda aysan qaban waxaana raggaasi uu sheegayay
Shongole kamid ah Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur kaasi oo la rumeysan
yahay in uu kamid ahaa saraakiisha sida weyn dagaalka ugala dhaxeeyay
Axmed Godane.
AL Shabaab saraakiisheeda gaar ahaan garabkii Axmed Godane kasoo
horjeeday ayaa waxa ay ahaayeen kuwa galay duurka waxaana muuqaneysa in
hadda ay bilaabeen Al Shabaab gaar ahaan hogaankeeda cusub in ay isku
keenaan dhamaan raggii ka galay duurka ee kasoo horjeeday fikirkii
Godane iyo kuwa naftooda la baqay.
Fu’aad Maxamed Khalaf waxa uu sheegay in ay la midoobi doonaan
dhamaan saraakiishii kasoo horjeeday Amiirkoodii la dilay wuxuuna dhanka
kale balan qaaday in ay sameyn doonaan soo jiidasho shacabka ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 07:00 and have
, Published at