Yaabka Yaabkiisa dowlada Oo aqbashay codsi ka yimid Shabaab -Dhagayso

Yaabka Yaabkiisa dowlada Oo aqbashay codsi ka yimid Shabaab -Dhagayso

daajis.com:- Mudane Abdulkadi Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay inay aqbaleen codsi yaab leh oo kaga yimid dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab.
Mr.Siidii ayaa waxa uu ka hadlay sababta uu u istaagay howlgalkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waday Gobolka Shabeellaha hoose ee ku aadanaa dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, taasi oo ah codsiga Al-Shabaab.

Siidii, ayaa sheegay in sababta hakadka loo geliyay howlgalka Badweynta Hindiya ee Gobolkaasi ka socday ay tahay in fursad la siinaayo dhalinyaro ka tirsan Ururka Al Shabaab oo lasoo xiriiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana codsaday in dagaalka la joojiyo, si ay u helaan waqti ay kusoo baxsadaan.

Waxa uu sheegay in Rag badan oo Shabaaab ka tirsan oo la qalday sida uu yiri ay rabaan inay kasoo baxaan dhanka Shabaab oo ay kusoo biiraan ciidamada Dowladda, hadii buu yiri dagaalada ay socdaan dhalinyaradaasi ma helayaan fursad ay isku soo dhiibaan iyo wadooyin ay soo maraan intaba.

Gudoomiye C/qaadir Siidii waxa uu ku waramayaa inay jiraan dhalinyaro badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab oo isku soo dhiibay dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo hada ku sugan Degmooyinka Qoryooleey iyo Buulo mareer.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa tan iyo markii ay qabsadeen Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxa ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqii ay ka wadeen Gobolkaasi





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada