Daawo:- Masaajid laweeraray iyo policeka kenya oo difaacay loo keenay

Daawo:- Masaajid laweeraray iyo policeka kenya oo difaacay loo keenay

daajis.com:- Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhintay, tiro kale oo dad ahna ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay isku dhaceen Booliska iyo dhalinyaro, masaajid ku yaala magaalada Mombasa oo la yiraahdo Masaajidka Swafaa.

Ciidan xooggan ayaa haatan la geeyey masjidka si ay u ilaaliyaan.
Arbacadii ayaa boolisku waxa ay weerareen masjidkan, waxayna sheegeen in ay ka heleen hub isugu jira bambooyin iyo wax yaabaha qarxa.

Ilaa iyo imika booliska ayaa waxa ay albaabada u laabeen afar masjid oo ku yaala magaalada xeebta ku taala ee Mombasa.

Masaajidadan ayaa waxay la xiriiriyeen koox dhalinyara ah oo xagjir ah.

Booliska ayaa waxay sidoo kale xireen in ka badan 400 oo da’yar ah iyadoo weli ay boolisku wadaan hawlgalo ay ku baadi goobayaan kooxaha xagjirka ah.
Xiisad ayaa ka taagan magaalada.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada