Gaas, Axmed Madoobe & Shariif Xasan oo diyaariyey qorshe halis ah oo 2016 ku wajahan kana dhan ah MUQDISHO

Gaas, Axmed Madoobe & Shariif Xasan oo diyaariyey qorshe halis ah oo 2016 ku wajahan kana dhan ah MUQDISHO

daajis.com:- Caasimada Online ayaa ogaatay inuu jiro iskaashi iyo heshiis siyaasadeed qarsoodi ah oo u dhaxeeya maamullada Puntland, Jubaland iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo dhowaan noqday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Ilo-wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in heshiiskan uu yahay mid ku saleysan saami qeybsiga awoodda siyaasadeed ee dalka Somalia, marka la gaaro doorashada 2016-ka.

Waxaa sidoo kale qorshaha qeyb ka ah olole la doonayo in caasimada Soomaaliya looga raro magaalada Muqdisho, ayada oo la adeegsanayo awoodda maamul federaaleedyada cusub ee dalka ka dhisan iminka, dowladduna aqoonsan tahay.

Qorshahan ayaa ah mid saddexda dhinac ee ku lugta leh uu midba faa’iido gooni ah ka helayo, waxaana ku taageeraya uruur goboleedka IGAD oo si aad ah ugu xiran maamullada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Heshiiskan oo hindisiihiisa ay leedahay Puntland, waxaa madaxweynaha Soomaaliya ee 2016 loogu diyaarinayaa Shariif Xasan Sheekh, ama ugu yaraan qof asaga uu wato.

Puntland waxa ay dooneysaa in caasimada Soomaaliya laga soo raro magaalada Muqdisho loona soo wareejiyo Garoowe, halka Axmed Madoobe-na uu heli doono ra’iisul wasaaraha, ama ugu yaraan laga dhigi doono qof uu isaga wato.

Waxaa laga yaabaa in dad badan is-weydiinayaan sida arrintan ku dhici karto, hase yeeshee sida qorshaha yahay, waxaa wood yeelan doona maamullada federaalka ah, marka la gaaro doorashada 2016.

Qaar baa hurda, qaarna waa shaxayaan
Qaar baa hurda, qaarna waa shaxayaan
Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa ka kooban 9 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka Soomaaliya, taasi oo siineysa awood ballaaran oo dalabyadooda ku hir-galaan, haddii kalena ay diidi doonaan inay ka mid noqdaan dowladda cusub ee Soomaaliya loo dhisayo 2016.

Saddexdan maamul ayaa sidoo kale dalban doonaa in caasimadda laga raro Muqdisho, ayaga oo sabab ka dhigan doono in Muqdisho ay amni darro ka jirto, islamarkaana aysan dowladda ku shaqeyn karin.

Ayada oo la eegayo maadaama ay yihiin awood muhiim u ah federaalka, waxaa caalamka ku qasbanaan doonta in la yeelo dalabkooda, waa sida ay ayaga iska dhaadhicinayaanee.

Cabdi Weli Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan, ayaa sidoo kale istusaya inaysan macquul ahayn in Soomaaliya ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo 2016, sidaas darteedna lagu qasban yahay in baarlamanka uu soo doorto madaxweynaha.

Saddexdan dhinac ayaa markaas oo xuli doona xubnaha baarlamanka ee ka imaan doona saddexda maamul goboleed, taasi oo siin doonta codad ku dhow codadka loo baahan yahay si madaxweynenimda loogu guuleysto.

Maamulka Puntland ayaa u ogolaaday Shariif Xasan madaxweynenimada, ayaga oo dhaafsanaya in caasimadda loo raro Garoowe, waxaana ay aaminsan yihiin in 4 sano oo ay ka tanaasulaan madaxweyne iyo ra’iisul wasaare ay uga qiimo badan tahay helista caasimadda.

Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe, ayaa ayaguna ku raacay qorshahaas ayaga oo dhaafsanaya helitaanka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha.

Sida ay xogta leedahay, dhismaha maamul federaaleedyada iminka sida orodka ah ku socda, ayaa qeyb ka ah qorshahan fog ee damaaciga ah, waxaana taas caddeyn u ah sida ay Puntland taageerada ula daba taagan tahay Jubaland, una soo dhoweysay doorashadii Shariif Xasan.

Go’aannadii Shabeelaha Hoose lagu raaciyey Bay iyo Bakool, iyo sidoo kale qeyb ka mid ah Mudug looga reebay maamulka gobollada dhexe, ayaa ayaguna qeyb ka ah qorshe lagu sii wiiqayo maamul federaaleedyada kale ee dhismi doona ee laga yaabo inay kuwaan la loolamaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sida la sheegay qorshahan dareensan ayaa ka aamusan, isaga oo xilkiisa ilaashanaya kadib markii dalalka IGAD ay cadaadis xooggan saareen.

Arrimaha caddeynaya sida Xasan Sheekh qorshahan isaga indha-tirayo waxaa ka mid ah, isaga oo taageero iyo aqoonsi siiyey maamullo uu ogyahay in asaga aysan hoos imaaan, islamarkaana aan taageero u hayn, sida Jubaland iyo kan Shariif Xasan, iyo sidoo kale ogolaanshihiisa in Shabeelaha Hoose oo dadkiisa ay deegaan ahaan u badan yihiin la raaciyo maamulka Shariif Xasan.

Haddii qorshahan hir-galo, waxa ay ka dhigan tahay in awood ahaan ay wiiqmi doonaan dadka dega Muqdisho iyo deegaanada ku dhow, ayaga oo mar qura lumin doona caasimaddii, iyo xilalkii sare ee dalka.

Sababha caasimada in la raro loo doonayo waxaa ka mid ah in meesha laga saaro mid ka mid ah awoodaha dadka Muqdisho ay mar walba ku helaan xilalka sare oo ah inay ayaga maamulaan caasimadda.

Sida aan xogta ku helnay dadka dega Muqdisho illaa iyo hadda kama warhayaan qorshahan, manna cadda tallaabada ay qaadi doonaan marka ay ka war-helaan. Waxaa sidoo kale xusid mudan in dadkaas yihiin kuwa kaliya ee illaa iyo hadda aan wax maamul federal ah dhisan.

W/Q: Axmed Cali Sheekh
insha caasimada

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada