DAAWO: Sheekh Sacuudi ah oo TV ka sheegay arrin Muslimiinta caro gelisay, xaaskiisana daliil ka dhigtay

DAAWO: Sheekh Sacuudi ah oo TV ka sheegay arrin Muslimiinta caro gelisay, xaaskiisana daliil ka dhigtay

daajis.com:- Sheikh caan ka ah dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Axmed Ghamidi ayaa sababay khilaaf weyn oo muslimiinta dhexdooda ah kadib markuu ka sheegay Barnaamijka uu ka qeyb galayay arin lid ku ah waxyaabaha qaar oo muslimiintu ay aaminsan yihiin.

Wuxuu yiri wadaadka inaan loo baahneyn inay haweenka muslimiinta ay xirtaan Niqaabka “Indho Shareerka”,islamarkaana loo ogol yahay haweenka inay isticmaalaan waxyaabaha Kimikaalka ee la isku qurxiyo oo inta badan haweenka ay isticmaalaan (Make-up)

HALKAAN RIIX KA DAAWO MUUQAALKA

Si uu Sheikhaan caanka ah u adkeeyo doodiisa ayuu keenay Xaaskiisa Barnaamijka iyadoo aan wadan wax niqaab ah ama la yiraahdo (Indho sharer),kadibna halkaasi uu ka sii waday doodiisa ku aadan inaan haweenka loo baahneyn inay xidhaan Niqaabka gaaar ahaan Haweenka Muslimiinta taasi oo muslimiin badan ka careysiisay.

Ghamdi,ayaa horay u soo noqday madaxii xarunta Barashada Qu’aanka Kariimka ee Makah ee dalka Sacuudiga ka fatwoonayay Barnaamij gaar ah oo looga hadlayay arimaha diinta ayaa Gabdhaha ugu fasaxay inay muujiyaan wajigooda,islamarkaana ay isticmaalaan waxyaabaha dumarka isku qurxiyaan.

Arintaan ayaa kicisay dareenka dad badan oo muslimiin ah oo daawanayay Barnaamijka iyagoona ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah diinta islaamka.

Diinta Islaamka ayaa qabta in Haweenka kaliya aysan jirkooda cowro ka ahayn gacmaha qeybta hore iyo wajiga,waxaana inta badan dumarka Muslimiinta ah iska isticmaalaan indho shareerka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada