Daawo Sawirada:- Rabshado lagu boobayo dadka Ajaaniibta oo kasocda Koonfur Afrika iyo Jacob Zuma oo ka hadlay

Daawo Sawirada:- Rabshado lagu boobayo dadka Ajaaniibta oo kasocda Koonfur Afrika iyo Jacob Zuma oo ka hadlay

daajis.com:Madaxweynaha dalka k/afrika Jacob Zuma ayaa ugu baaqay saraakiisha ammaanka in ay qaadaan talaaba deg deg ah oo lagu soo celiyo amaanka iyo kala danbeeyntii ka jirtay gudaha iyo hareeraha degaanka Soweto kadib rabshada muda shan maalin ah hareeyay degaankaasi soweto kuwa oo lagu boobay inta badan ganacsiyadii ajaanibta ay ku lahayeen degaankaasi

Afhayeenka Madaxweynaha Jacob Zuma ,Mac Maharaj oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri "Madaxweynaha ayaa ku amray saraakiisha ammaanka , Golaha Wasiirada ,iyo sidoo kale hoggaanka gobolka iyo kuwa maxalliga ah ee Gauteng iyo sido kale kuwa diimaha inay sameeyaan talaaba walba oo lagu xasilin kara xaalada islamarkane dhankooda ay wada shaqeeyaan si xal loogu helo rabshadaha kusii baahaya gobolka Gauteng ."

Rabshadaha dhaliyay xasillooni darada ah ee lagu beegsanaya ajaanibta ayaa u muuqda kuwii kusii fidaya degaana hor leh waxaana rabshadahan lagu boobay ganacsiyada ajaanibta ay bilaabmeen habeenkii isniinta ka dib markii wiil 14-sano jir ah oo lagu eedeeyay isku day dhac dukaan ku yaala Doornkop lagu toogtay, iyado la sheegay in uu dilka geeystay milkiilaha ganacsi oo ajnabi ah,

In kabadan 150 ayaa xabsiga lo taxabay kuwa oo qeyb ka ahaa dadkii rabshadaha waday waxaana sido kale la xiray 8 kamid ah ganacsatada ajaanib ah oo lagu helay sida ay police-ka shegeen hub aan sharci aheyn waxaana xusid mudan in dukaama kor u dhaafay ilaa 80 dukaan oo soomaali iyo ajaanib leedahay la boobay halka qaarkoodne la gubay iyado ay xusid mudantahay in dukaama kale laga so baad baadiyay boobka,

Si kasaba degaanka Soweto oo ah degaan ay daganyihiin dadka madowga ee fuqurada ah ayaa waxa ku nool ku dhawaad 4 milyan oo qof kuwa oo intooda badan ay nolashooda hooseeysaso waxaana mar waliba degaankaasi ka dhac falal danbiyeeydyo kala duwan.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada