Ruushka oo Iran u diraya gantaalo iyo Isreal oo mareykanka u cul dirsadey..

Ruushka oo Iran u diraya gantaalo iyo Isreal oo mareykanka u cul dirsadey..

daajis.com:- Ruushka ayaa ka qaaday cuno qabataynta inuu siiyo iran gantaalo casri ah ee difaaca cirka.

Wasaarada gaashaandhiga ee Ruushka ayaa sheegtay inay hadda diyaar u tahay inay u dirto gantaalaha S-300 si dhaqso ah.

Dhoofinta ayaa ah mid u sahlan Iran iyo Ruushka xiriirkooda, ayuu u sheegay Wasiir ku xigeenka Difaaca ee Iran Reza Talainik, wakaalada wararka ee Tasnim.

Israel ayaa cambaaraysay warka ka soo Ruushka.
Wasiirka Sirdoonka ee Israel, ayaa sheegay inay tahay natiijadii ka soo baxday heshiiskii nuckliyeerka ee Iran.

Wuxuu sheegay inay tahay cadayn in Iran ay u isticmaalayso cunoqabataynta laga qaadayo hub, intay u isticmaali lahayd wax dadkeeda anfaca.

Laakiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, ayaa sheegay in gantaalaha loo isticmaalayo difaac, oo aysan qatar ku ahayn dal kale.
Maraykanka ayaa sheegay inuu kala hadlay Ruushka walaaca uu ka qabo arrintan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada