DEG DEG AH :Axmed Madoobe oo Qaatay Go’aan adag oon laga Filaynin+Balantii uu C/Wali Gaas la galay oo uu Fuliyey “TOP NEWS”

DEG DEG AH :Axmed Madoobe oo Qaatay Go’aan adag oon laga Filaynin+Balantii uu C/Wali Gaas la galay oo uu Fuliyey “TOP NEWS”

daajis.com:- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo Madaxwyanaha Maamulka Jubbaland  Sh Axmed madoobe ayaa kulamo joogto ah lahaa ilaa xalay,waxayna dhamaadeen kulamadiisa goordhaw,qorshihii uu watay Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ahaa in Maamulka Axmed Madoobe ay ka qayb galaan Shirka Ka dhacaya Magaalada Muqdisho,29 bishan,shurruud la’aan ay tagaan halkaas,taas badalkeedan dib wax laga xaliyo.



Xogta aan helay ayaa sheegaysa in Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland uu ku gacan saydhay go’aanmka Saxan Sh Maxamuud uu watya ee ahaa in ay tagaan Magaalada Muqdisho,wuxuuna sheegay in shuruuda koowaad ay tahay in Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqo go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya in uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla Markaan uu ahaa wax cadaalada daro ah,Mooshinkaasina uu ahaa Mid aan ahayn Sharci.



“Labo Arimood dartood ooma aadayno Muqdisho,mid hore waa in Dowladda Soomaaliya in ay ka noqotaa dhamaan gudiyadii lagu sameeyey sharci darada ee ay kamidka ahaayeen gudiga dastuurka iyo Xuduudaha,iyo dhamaan gudiyada kamidka ah ee Baarlamaanku ay ansixiyeen maamulka Jubbaland ayna waxba kala soconin”Waxaa sidaas yidhi Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Madoobe.




Madaxwaynaha Soomaaliya oo ku hangoobay qaar kamid ah waxyaabihii uu doonayey in uu Kismaayo kala soo laabto ayaa Garoonka Kismaayo goordhaw ka dhoofay,waxaan meesha ka baxay Shir Saxaafadeed ayw ada qaban lahaayeen Axmed Madoobe iyo Xasan Sh Maxamuud ka hor inta uuna Xasan Sh Maxamuud ka dhoofin Magaalada Kismaayo,maadaam Shirka ay Saxaafadu dibad jog ka ahayd.



dadka Siyaasada indho indheeya ayaa sheegaya in go’aanka uu qaatay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland uu yahay go’aankii Siyaasadeed ee ugu cuslaa tan iyo intii uu hogaaminayey Maamulka Jubbaland,waxayna wararku Sheegayaan in Go’aanka uu kamid yahay waxyaabaha uu ka dhaxlay Maamulka Jubbaland ee Uu Hogaamiyo Madaxwayne Gaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada