DAAWO: Buuq ka Dhashay Gudbintii Hannaankan doorasho ee Ra’iisul Wasaaraha (VIDEO)

DAAWO: Buuq ka Dhashay Gudbintii Hannaankan doorasho ee Ra’iisul Wasaaraha (VIDEO)

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u gudbiyey Hannaanka guud ee Geeddi Socodka Doorashooyinka 2016.

Ra’iisul Wasaaraaha oo Khudbad ka jeediyey kulanka Baarlamaanka ayaa sharaxaad ka bixiyey Hannaankan doorasho ee ay Xukuumaddu soo gudbisay, waxaana uu sheegay in hanaankani wadatashi guud ay ka sameeyeen Dawladda Soomaaliya iyo Maamullada dalka, isagoo ka codsaday Golaha Shacabka in ay ansixiyaan Hannaankan si ay u qabsoonto doorashadu waqtigii loogu talagalay.


Wuxuuna yirir “Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka sharafta leh iyaga oo eegaya duruufaha ka jira dalka, waqtiga oo gabaabsi ah iyo howsha baaxadda leh ee dhiman in aad ansixisaan Hanaanka doorasho ee lagu keenay wada xaajood Siyaasadeed oo ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah”.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka codsaday xildhibaanada golaha shacabka inay soo aqriyaan qorshahan, maalinta Isniinta ah ee soo socotana la sii ambaqaadi doono go’aanka ka gaarista qorshaha guud ee Hannaanka Doorasho.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada