Daawo:- Madaxweyne Gaas oo si Heer sare ah Loogu soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso

Daawo:- Madaxweyne Gaas oo si Heer sare ah Loogu soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland mudane, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa wadamada Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulka Puntland.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka soo qaybqayb xubno ay kamid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Bosaso, nabadoono, isimo, ganacsato iyo dadweyne kale oo aad u badan.


Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray magaalada Bosaso waxa uu ka warbixiyey safarkiisii uu ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya, waxaana uu sheegay in safarkiisu uu salka ku hayey horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo maalgashiyo caalami ah oo dalka lagu samaysto, waxaana ku tilmaamay safarkaasi guul usoo hoyatey dadka reer Puntand.

Safarka madaxweynaha oo ka bilaawday dalka Ethiopia ayuu sheegey inuu kula kulmay magaalada Addis Ababa madax sare oo ka tirsan dawladda Ethiopia isla markaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Ethiopia iyo Puntland iyo dhammaystirka kastamka Tuur-dibi.

Labada Safar ee uu ku kala baxshay dalalka Itoobiya iyo Sacuudiga ayuu sheegay in labaduba aysan aheyn kuwo khasaaray.

Wuxuuna safarkii oo ku tegay dalka Sacuudiga ayuu sheegay inuu ka soo heley Maalgashi uu suubin doono Maalqabeen Sacuudi ah, kaas oo Mashaariic ka la duwan ka hirgalindoona gudaha Maamulka Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada