Dab Xoogan oo Maanta ka kacay Dabaq ku Yaala Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta (VIDEO)

Dab Xoogan oo Maanta ka kacay Dabaq ku Yaala Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa galabta Dab aad u xoogani uu ka kacay dabaq ku yaala magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, dabaqani oo lagu magacaabo Sulafa ayaa ka mid ah dhismooyinka ugu dhaadheer ee ku yaala Magaalada Dubai.

Holac iyo qiiq ayaa la arkaayay isagoo dibadda uga soo baxaya daaqadaha qaar ee dabaqyada Dhismahaasi, dadkuna waxay bilaabeen in ay bannaanka uga baxaan dhismahaasi.

Shaqaalaha gaadiidka dab demiska oo ku sugan goobta uu dabku ka kacay, ayaa waxay la tacaalayaan sidii ay u damin lahaayeen dabkaasi, isla-markaana ay uga hortaggi lahaayeen in goobo hor leh uu ku fido.

Markii dabka uu socday muddo laba saacadood ah, ayaa la sheegay inuu sii xoogeystay, inkastoo aan weli la soo sheegin cid illaa iyo hadda wax ku noqotay dabkaasi.

Dhismaha Sulafa, ayaa wuxuu ka kooban yahay 75 dabaq, dhirirkiisuna waxaa lagu lagu tilmaamaa mid gaaraaya 285 mitir.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada