Daawo Sawirada: Gabar aan gacmo laheyn oo bilad ka soo hoysay tartan caalami ah soona jiidatay dareenka caalamka

Daawo Sawirada: Gabar aan gacmo laheyn oo bilad ka soo hoysay tartan caalami ah soona jiidatay dareenka caalamka

daajis.com:- Daawo Sawirada: Gabar aan gacmo laheyn oo bilad ka soo hoysay tartan caalami ah soona jiidatay dareenka caalamka

Gabar 22 jir ah oo ka soo jeeda dalka Serbia, isla markaana dhalatay iyadoo aan wax gacmo laheyn ayaa soo jiidatay dareenka dadweynaha caalamka ka dib markii ay billad qalin ah ka soo hoysay tartan caalami ah.

Dejana Backo ayaa waxay ka qeyb gashay tartanka Open European Para-Taekwondo Championships oo ka dhacay caasimadda Poland ee Warsaw.

Gabadhan ayaa ka yaabsatay dadka daawanayey tartankan ka dib markii ay kaalinta labaad ka gashay safkii ay ku jirtay, waxaana amaanay dedaalkeeda tababareheeda Aleksandar Andeevski.
“Waxay i soo wacday dhowr bilood ka hor, waxay igu soo darsartay Facebook ka dibna waxay iga dhaadhicisay inaan siiyo tababar dhinaca karateyga ah, tayadeeda cajiibka ah ayeyna tababarka iigu muujisay, Dejana Backo waa geesiyad dhab ah” ayuu yiri Aleksandar Andevski.
“Rabitaankeeda iyo hammigeeda guusha ayaa iga ilmeysiiyey. Sharaf ayey ii tahay inaan la shaqeeyo geesiyad sideeda oo kale ah. Waxay ii muujisay inay wax kasta macquul ka yihiin dunida, isla markaana aadan marmarsiyo uga dhigan karin guuldarrada xitaa hadii aad gacmo la’aan tahay”. ayuu yiri.
Waxaa xusid mudan in gabadhan ay la tartameysay dad kale oo lixaadkoodu u dhameystiran yahay, taasoo noqotay wax dad badan oo jiidatay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada