Marwada Barak Obama oo loo geystay Aflagaado ay ka carootay & Mas’uul xilka ku waayay aflagaadada

Marwada Barak Obama oo loo geystay Aflagaado ay ka carootay & Mas’uul xilka ku waayay aflagaadada

daajis.com:- Sida ay baahiyeen warbaahinta kasoo baxda dalka Mareykanka waxaa shaqadii laga eryay Duqda magaalada Clay ee gobolka Virginia Beverly Whaling kadib markii Xafiiskeeda laga dhex caayay Haweeneyda u dhacda Madaxweynaha xilka sii haya ee Mareykanka Obama.

Duqda magaalada Clay, ayaa xilka weyday kadib markii xubin ka tirsan Xafiiskeeda aflagaadeeyay Marwada Obama.

Qoraalka Aflagaadada ah ee lagula kacay Marwada Obama oo lagu qoray barta Facebook ayaa u qornaa ”Waxaa i farxad gelineysa in aan arko haweeney qurxan islamarkaana labis qurxoon oo ku nool aqalka cad. Waan ka daalay in aa daanyeer ku dhex arko gurigaas”.

Aflagaadadaani ayaa waxaa barta Facebook ku qortay Gabar magaceeda lagu sheegay Pamela Ramsey oo kamid aheyd shaqaalaha ka howlgala xafiiska duqa magaalada.

Aflagaadadaasi ayaa waxaa shaqada ku waayay Duqda magaalada Clay ee gobolka Virginia Beverly Whaling, waxa uuna erayga saameynta yeeshay uu noqday ”Waan ka daalay in aa daanyeer ku dhex arko gurigaas”.

Sababta Beverly Whaling ay ku weysay xilkeeda ayaa ah kadib markii lagu eedeeyay inay ku faraxday qoraalka lagu caayay Marwada Obama.

Haweeneyda lagu magacaabo Pamela Ramsey ee soo qortay aflagaadada ayaa kamid aheyd Cunsuriyiinta dalka Mareykanka ee kasoo horjeeda dadka madowga ah.
Pamela Ramsey, waxa ay sidoo kale kamid tahay taageerayaasha Donald Trump.

Geesta kale, duqda magaalada Beverly Whaling ayaa sheegtay in qoraalkeedaas oo ay ku jawaabtay uusan aheyn mid ay Gabadhaasi ugu dhoola cadeyneysay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada