Urur la Dagaalama Musuq-maasuqa oo Maxkamad la Koraya Madaxweyne Trump (VIDEO)

Urur la Dagaalama Musuq-maasuqa oo Maxkamad la Koraya Madaxweyne Trump (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweyne Donald Trump oo xukunka madaxweyne haya maalmo uun kaliya, ayaa waxaa maanta koox isha ku haysa anshaxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay diiwaan geliyaan dacwad ka dhan ah madaxweynaha, iyagoo ku tuhmaya inuu jebiyey qodob ka mid ah dastuurka dalka Maraykanka.

Kooxdani dhinaca bidix u janjeerta ee mas’uuliyadda iyo anshaxa ee Washington, loona soo gaabiyo CREW (Citizens for Responsibility and Ethics) ayaa shaaca ka qaaday inay dacwadan maanta ka diiwana gelin doonto maxkamadda federalka ee magaalada Manhattan.

Qodobka lacag qaadashada ee dastuurka ayaa quwadaha shisheeya oo ay ku jiraan dowladaha ka mamnuucaya inay lacag ama haddiyad siiyaan madaxweynaha Mareykanka, ayada oo aanu ansixin congress-ka dalka Maraykanka.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, oo markii ugu horreysay shaaca ka qaaday arrintani axadii shalay ahayd, dawacdda ka dhanka ah Trump ayaa waxay maxkamadda weydiisan doontaa inay madaxweynaha ka joojiso inuu wax lacag ah ka qaato hay’adaha shisheeye.

Hay’adda CREW ayaa sheegtay in maadaama Trump uu diiday inuu iska fogeeyo ganacsigiisa “uu iminka lacag ka heli karo dowlado shisheeye, ayada oo dhacdooyin lagu qabsanayo hoteeladiisa, islamarkaana la kireysanyo dhismayaashiisa ganacsiga”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada