Muuqaal: Rasaas Laga maqlay Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska ee London

Muuqaal: Rasaas Laga maqlay Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska ee London

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay afaafka hore ee Baarlamaanka Ingiriiska bartamaha magaalada London.


Hogaamiyaha Aqalka Commonska David Lidington ayaa sheegay in mid ka mid ah ciidamada booliska mindi lagu dhuftay.

David aya au sheegay mudanayaasha ku jira gudaha baarlamaanka in la toogtay lana diley qofkii soo weeraray ilaalada Baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka Ingiriiska iyo shaqaalaha ku jira xarunta baarlamaanka ayaa lagu amray inay gudaha ku jiraan oo aysan banaanka u soo bixin.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada