Akhriso: Maamulka Ahlu Sunna oo 10 Sharuud hordhigtay DFS & Galmudug iyo Qodobo lama filaan ah oo…

Akhriso: Maamulka Ahlu Sunna oo 10 Sharuud hordhigtay DFS & Galmudug iyo Qodobo lama filaan ah oo…

daajis.com:-  Wadahadalka Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa wali hakad ku jira inkastoo ay dhinacyadii is hayay ay magaaladda Muqdisho kuwada sugan yihiin.
Sababaha keenay in dib uu udhaco wadahadalka ayaa lagu sheegay iney sharuudo adag wataan maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sharuudaha ay wataan ayaa waxaa ku jira kuwa aan xataa ucuntami doonin dowladda Soomaaliya halka sidoo kale qaarkood ay diidan yihiin maamulka Galmudug.

Hoos ka Akhri Sharuudaha Ahlu Sunna
1. In Doorashada ka dhacdo Dhuusa Mareeb
2. In Baarlamanka Galmudug loogu daro 45 Xildhibaan ayna ka yimaadaan dhanka Ahlu Sunna
3. In maamulkooda la siiyo Madaxweyne Ku Xigen (Qodob si weyn loogu muran san yahay)
4. In dowladda Soomaaliya ay siiso Taliyaha Ciidanka Qeybta 21aad
5. In Ciidamada Ahlusunna laga dhigo kuwa katirsan dowladda Soomaaliya.
6. In la siiyo Guddomiyaha Gobolka Galgaduud
7. Sidoo kale in la siiyo Guddomiya-yasha degmoyinka Dhuusamareb , Guriceel , Caabudwaq Iyo Xeraale.
8. Waxaa jira warar sheegaya iney dalbadeen lacag dhan  5 Milyan dollar taas oo ay ku sheegeen iney siinayaan askartii mudada dheer soo dagaalameysay iyo maamulkii gacanta ku hayay
9. Sidoo kale waxaa ay dowladda madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen xilal ubadan Safiiro wadamada caalamka qaarkood
10. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa dooneysa in 50% Gollaha Wasiirada Galmudug la siiyo.
Si kastaba, qodobadan ayaa waxaa ku jira kuwa aysan raali ka aheyn dowladda Soomaaliya, waxaana soconaya wadahadalo hordhac ah oo arimahaas xal looga gaarayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada