Real Madrid vs Atletico Madrid – Isku Aadka Wareega Semi Finalka Champions League Oo La Sameeyay.

Real Madrid vs Atletico Madrid – Isku Aadka Wareega Semi Finalka Champions League Oo La Sameeyay.

daajis.com:-Isku aadka semi finalka Champions League ayaa la sameeyay goor dhaw iyadoo lasoo afjara xaflad lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland, waxaan kasoo baxay kulamo culus oo runtii uu qof walba doonayo inuu daawado.

Kulanka Madrid Derby ayaa la daawan doonaa bilowga bisha soo aadan ee May, waxaana la diiday in mar kale Madrid Derby uu ka dhaco finalka, midkood labada kooxood ee reer Spain ayaa hari doona.

Sidoo kale Juventus iyo As Monaco ayaa isku aaday waana markii ugu horeysay oo ay labadaan kooxood isku aadaan tan iyo 2015 markaas oo ay isku arkeen wareega Quarter finalka Champions League, Juventus ayaana tartanka ka saartay kooxda faransiiska ah.

Dhanka kale UEFA waxey go’aamisay in As Monaco iyo Juventus kooxdii soo baxda ay noqon doonto kooxda finalka marka la tago martid aloo noqon doono.

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

Real Madrid vs Atletico Madrid
As Monaco vs Juventus
Lugta Hore ee Semi Finalka waxaa la ciyaari doona 2-da May iyo 3-da May halka lugta labaad la ciyaari doono 9-ka iyo 10-ka May.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada