Eng. Yarisow “UK waxay door hoggaamineed ka qaadatay inay Somalia uga ololeyso caalamka.”

Eng. Yarisow “UK waxay door hoggaamineed ka qaadatay inay Somalia uga ololeyso caalamka.”

daajis.com:-Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa shalay kulan la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya David Concar oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta warbaahinta dalka, Shirka London ee 11ka May iyo arrimo kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa Safiirka UK uga mahadceliyey doorka hoggaamineed ee UK ay ugu ololeyneyso caalamka sidii Soomaaliya wax loogu qaban lahaa si dalka loo nabadeeyo oo dowlad wanaag loo hirgeliyo.

“UK waxay door hoggaamineed ka qaadatay inay Soomaaliya uga ololeyso caalamka si indhaha caalamku ay ugu soo jeestaan arrimaha Soomaaliya”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda UK ay si aad ah uga ololeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, sanooyinkii la soo dhaafay ay soo saareen qaraarro fara badan oo Soomaaliya looga taageerayo arrimo fara badan sida uu yiri.
Add caption

Safiirka UK David Concar ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada warbaahinta ay ka qaadan karto sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal horumaray oo nabad ah. Safiirka UK ayaa ballanqaaday in dowladda UK ay garab taagantahay sidii Dowlada Federaalka iyo shacabka loo garab-istaagi lahaa waqtigan xasaasiga ah, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka.
Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii la wadaagay safiirka qorshaha iyo siyaasada Wasaarada Warfaafinta ay ku dooneyso inay ku horumariso warbaahinta dalka iyo sdii suxufiyinta Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa si ay waajibaadkooda ugu gudan lahaayeen si xirfadi ku jirto oo shacabka loogu gudbinayo horumarka dalka ka jira.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada