Jen. Cali Gaab oo dib loogu magacaabay xilka Taliyaha Ciidanka Taraafikada (Sawirro)

Jen. Cali Gaab oo dib loogu magacaabay xilka Taliyaha Ciidanka Taraafikada (Sawirro)

daajis.com:-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa dib ugu celiyay Taliska Qeybta Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Jen, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), oo horay xilkan u soo qabtay.

Jen. Cali Gaab ayaa saddex maalin ka hor loo magacaabay xilkan, waxaana durbaba lagu arkay, isagoo labisan dharka Ciidanta Taraafikada, isla markaana taagan waddooyinka, isagoo amaro siinaya gawaarida kala duwan ee waddooyinka mara.
Taliye Cali Gaab ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin howl kar ah, waxaa uu horay isaga casilay xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.
Ciidamada Taraafikada oo hoos taga Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahan lagu arkayay waddooyinka Muqdisho, iyagoo howl gallo ku jira.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada