MUUQAAL: Ciidamo Badan oo Puntland looga dilay Gal-gala iyo Saraakiisha oo Sharaxay Khasaare Ba’an oo Gaadhay

MUUQAAL: Ciidamo Badan oo Puntland looga dilay Gal-gala iyo Saraakiisha oo Sharaxay Khasaare Ba’an oo Gaadhay


daajis.com:- Askar ka Tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, halkaas oo Ciidan ka tirsan Puntland ay marayeen, Kadib markii mid ka mid ah Gaadiidkii ay wateen ku qarxay Miino dhulka lagu aasay,waxaana halkaas ku dhintay 9 ka mid ah Askarta iyada oo Shan kale ay ku dhaawacmeen.


Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Faarax Gurxan (Qadaafi) Taliyaha Ciidamada Booliska ee Galgala, Ayaa xaqiijiyay in 9-kamid ah askarta ay ku dhinteen weerarka saaka Lagula beegsaday Buuraha Gal-gala ee Puntland

Dhinaca Kale wuxuu sheegay in weerarkaasi uu dhacay xilli ay Kolanyada ciidamada ah ku soo wajahnaayeen magaaladda Boosaso, Waxaana 5 dhaawaca ah hadda lagu dabiibayaa Isbitalka Guud ee Magaaladda Bosaso, sida uu Taliyuhu  Sheegay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada