Wasiirka Dhalinyarada oo kulan la qaadatay Ururrada Dhalinyarada ee dalka ka jira

Wasiirka Dhalinyarada oo kulan la qaadatay Ururrada Dhalinyarada ee dalka ka jira

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kulan wadatashi iyo is dhageysi ah la qaadatay ururrada dhalinyarada dalka ka jira qaarkood.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Axmed Cumar Islow ayadoo kulankana looga hadlay xoojinta xiriirka Wasaaradda ay la leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo u diyaar garowga xuska munaasabadda dhalinyarada ee 15ka May.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mudane Axmed Cumar Islow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin xoogga bulshada islamarkaana Wasaaraddu ku dadaali donto sidii dhalinyarada kaalinta ay xaqa u leeyihiin lagu heli lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo kulanka ka hadashay ayaa dhalinyarada ku dhiiri gelisay iney doorkooda bulshada qaataan mar walbana Wasaaaraddana ay garab buuxa u tahay, sidoo kalena waxa ay ka hadashay in dhowaan ay magacaabi doonto guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda 15ka May islamarkaana looga baahan yahay in ururrada dhalinyarada ay kaalintooda qaataan.
Ugu dambeyntii qaar ka mid ah dhalinyarada ka qeybgalay kulanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin fursadda ay Wasaaradda Dhalinyarada u siisay in la dhageysto aragtidooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada