Mareykanka oo Liiska Argagaxisada ku daray Wiil uu dhalay R/wasaarihii hore ee Somalia (Magaca & Sawirka)

Mareykanka oo Liiska Argagaxisada ku daray Wiil uu dhalay R/wasaarihii hore ee Somalia (Magaca & Sawirka)

daajis.com:- Farah Maxamed Shirdoon oo ah Muwaadin Somali-Canadian ayaa lagu daray Liiska Maraykanka ee Baadi-goobka xubnaha ka tirsan Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.



Hadal-qoraal oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay bishan 13-dii ayaa lagu sheegay in Farah Mohamed Shirdon yhay Nin dadka u tashkiiliuya Ururka Daacish.



Farah Mohamed Shirdon iyo Nin kale oo asalkiisa yahay Syrian, balse haysta dhalashdda Canada, laguna magacaabo Taariq Sakar ayaa lagu daray Liiska Maraykanka ee dadka ugu doonista badan ee Kooxaha Argagixisadda (The most wanted U.S. terror list).



Wargeyska Toronto Star ee dalka Kanada ayaa qoray inay Dowladda Maraykanka sheegtay inay Labadaasi Nin khatar ku yihiin Ammaanka Maraykanka, Muwaadiniintooda ama Dhaqaalahooda, isla markaana ay faraha kula jiraan Abaabulka falal Argagixiso, waa sida lagu xusay Qoraalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.



Farah Mohamed Shirdoon oo degganaa Gobalka Alberta ee dalka Canada ayey Maraykanka ku eedeeyeen inuu Daacish ugu qaabilsan yahay Askaraynta iyo Dhaqaalaha

 

Farah Shirdoon oo 24-jir waxay Ciiddanka Boqortooyadda Canada ee RCMP ku soo oogeen bishii September ee sannadkii 2015-kii lix kiis oo ay ka mid yihiin inuu ku biiray Koox Argagixiso, inuu dadka ku dhiiri-geliyo inay u soo safraan dalka Syria, kuna biiraan Kooxdaa Daacish.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada