Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo gurigiisa ku booqday Guddoomiyihii hore (Sawiro)

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo gurigiisa ku booqday Guddoomiyihii hore (Sawiro)

daajis.com:- Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta Hoygiisa ku booqday Guddoomiyihii hore ee xilka ka dagaya Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Booqashada ayaa aheyd mid salaan iyo kala war qaadasho, waxaana Guddoomiyihii hore uu soo dhoweeyay magacaabista Taabid ee xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi ayaa ku ammaanay Guddoomiyihii hore waxyaabihii uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ka dhacdo, gaar ahaan Aqalka dowladda Hoose Munaasabada ay xilalka ku kala wareegayaan Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha uu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Taabid Cabdi oo lagu tiriyo dadka aadka ugu dhow Farmaajo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada