Muzaveni oo kashifay Sirta Ciidamada Ethiopia ka jooga Somalia (Akhriso)

Muzaveni oo kashifay Sirta Ciidamada Ethiopia ka jooga Somalia (Akhriso)

daajis.com:- Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Muzaveni, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kaalinta ay Dowlada Ethiopia ka qaadaneyso nabadeynta Somalia.

Yuweri Muzaveni, ayaa sheegay in Ugandha aysan u muuqan kaalin gaara oo Ciidamada Ethiopia ka qaaten nabadeynta Somalia waxa uuna tilmaamay in Somalia ay nabadeeyen Ciidamada Ugandha.

Yuweri Muzaveni, waxa uu sheegay in Ciidamada Ethiopia kala bar ay yihiin kuwo aan ka mid aheyn AMISOM, isla markaana sharci daro ku jooga Gobolada Somalia.

Waxa uu Yuweri Muzaveni tilmaamay in Ujeedka fog ee Ciidamada Ethiopia uu yahay inay shaki galiyaan suuragalnimada in Gobolada dalka ay ka dhacdo nabadgalyo.


Yuweri Muzaveni ayaa yiri ”Wey muuqataa cida nabadeysay Somalia maaha Ethiopia ama dal kale ee waa Ugandha carruurta Soomaalida xitaa haddii aad weydiiso su’aashaasi wey kaaga jawaabayaan”

 

Yuweri Muzaveni, ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay tahay mid ka shaqeyneysa maslaxadeeda waxa uuna si cad u sheegay in Ciidamada ka jooga Somalia aysan aheyn kuwo nabad ka dhaliya Gobolada dalka, balse waxa ay yihiin kuwa mashquuliya Al-shabaab si aanu u galin Ethiopia.



Yuweri Muzaveni, ayaa adduunka ugu baaqay inay il gaara ku eegaan Somalia oo iminka kasii baxeysa qalalaasada amni darro waxa uuna cadeeyay in Somalia ay u harsan tahay muddo yar inay lamid noqoto dowladaha kale ee Africa.



Haddalka Yuweri Muzaveni, ayaa imaanaya xili uu Khilaaf Siyaasadeed ka dhextaagan yahay Dowladaha Somalia iyo Ethiopia.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada