Qatar Airways oo keentay xal ka soo horjeeda go’aankii Trump ee xayirayay Labtobyada lala raaco diyaaradaha

Qatar Airways oo keentay xal ka soo horjeeda go’aankii Trump ee xayirayay Labtobyada lala raaco diyaaradaha

daajis.com:- Shirkada Diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sheegtay inay bixinayso adeegga kombiyuutarka Laptop-ka oo deyn ah, kaasoo loogu tala galay rakaabka u safraya Maraykanka, si xal loogu helo xayiraaddii uu Maraykanku ku soo rogay qalabka elektronigga ee duullimaadyada qaar.

Xayiraaddan ayaa qabanaysa wixii qalab elektronig ah ee ka weyn telefoonnada casriga ah (smartphone), ee ku imaanaya 9 dayaaradood oo ka shaqeeya 10 garoon oo ku yaalla bariga dhexe, waqooyiga Afrika iyo Turkiga.

Waxaa ku jira shirkadaha Qatar Airways, Etihad, Emirates iyo Turkish Airlines oo sameeya duullimaadyada dhaadheer ee tooska ah ee ay badi raacaan dadka shaqooyinka ama ganacsiga u socda, kuwaasoo aan kombiyuutarradooda isticmaali karin inta duullimaadka lagu guda jiro.

Qatar Airways ayaa hadal ay soo saartay ku tiri “macaamiisha waxaa u suurto gali doona inay dukumentigooda ku soo ritaan USB inta aysan dayaaradda soo fuulin, ka dibna ay halkaas ka sii wataan hawshooda”.

Dayaaraddu waxay kaloo bixinaysaa Wi-Fi bilaash ah oo rakaabka oo dhan ay isticmaali karaan muddo saacad ah, iyo internet duullimaadka inta lagu jiro oo dhan uu isticmaali karo oo kaliya qofkii baxsada $5.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada