Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa caadi ah oo berri la amray in shaqada laga fasaxo (Sabab)

Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa caadi ah oo berri la amray in shaqada laga fasaxo (Sabab)

daajis.com:- Wasiir ku xigeenka wasarada shaqaalaha iyo arimaha bulshada Dowladda dowladda Cabdicasiis Saalax Carmaan oo maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa amar ku bixiyey in la fasaxo dhammaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dowliga aheyn.



Wasiirka ayaa amarkaan ku micneeyey inay berri tahay Maalinta shaqaalaha adduunka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in laga farxiyo shaqaalaha Soomaaliyeed iyadoo la raacayo qodobada u dajisan shaqaalaha radidka ah ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka  ayaa hambalyo ku aadan Maalinta Shaqaalaha adduunka hawada usoo mariyey ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dowliga aheyn.

Wuxuuna sheegay in Maalinta Berri ah Shaqaalaha oo dhami ay fasax ka yihiin shaqooyinkooda, iyada oo ay tahay 1da Bisha May oo ah Maalinta Shaqaalaha Aduunka. Wuxuuna wasiirku Hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Shaqaalaha iyo Qoysaskooda gaar ahaan kuwa Soomaaliya iyo guuda haan kuwa aduunka oo uu ugu duceeyay in ay sanadkan iyo ka dambaba ku gaaraan Bashabash, Barwaaqo iyo Caafimaad Qab.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay awoodeeda isugu geeneyso sidii dhallinyarada shaqo loogu abuuri lahaa si looga badbaadiyo tahriibka badda iyo inay ku biiraan ururka dhibaatada ku hayo Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda inay fuliyaan amarkaan isla markaasna ay fasaxaan dhammaan shaqaalaha dowladda, sidoo kalana hey’adaha iyo shirkadaha kale wuxuu ka codsaday inay shaqaalahooda fasaxaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada