Wasiirka Arrimaha Dibadda Yusuf Garaad oo kulan la qaatay Safiirada Turkiga iyo Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yusuf Garaad oo kulan la qaatay Safiirada Turkiga iyo Sweden

daajis.com:-  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta si kala gooni gooni xafiiskiisa ugu qaabilay Danjiraha Turkiga u fadhiya Somaaliya iyo Danjiraha Sweden.



Wasiir Yuusuf Garaad ayaa ugu horeyn la kulmay Safiirka Turkiga Olgan Bekar, isagoo ugu mahadceliyay taageerada uu Turkigu siiyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkiga ay Umadda Soomaaliyeed abaal u heyso

“Danjiraha waxaan ugu hambalyeeyay natiijada Aftida Axaddii laga qaaday dadweynaha Turkiga, waxaanan u sheegay in ay Soomaaliya rajeyneyso in ay taasi sii xoojiso iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Mr Yuusuf Garaad ayaa tilmaamay in Danjiraha Turkiga u sheegay mashruuc biyaha iyo waraabka oo laga hirgeliyay Jowhar, isla markaana damacsan yihiin in deegaano kale gaarsiiyaan Turkidu.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mikael Lindvall oo ah Safiirka Sweden u jooga Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen dhinacyada iskaahsiga labada dal u dhaxeeya.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xoojineyso adeega hab maamuuska qaranka, maadaama agaasinkaas uu yahay iridda saxda ah ee xiriirka caalamiga ah ee ay Dowladaha iyo Hey’adaha Ajnabiga ahi ay tahay in ay u soo maraan xiriirka, casuumadaha, kulammada iyo wadashaqeynta iyaga iyo hey’adaha Dowladda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaa Danjire Yuusuf Garaad kulankan ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada