Daawo: RW. Khayre oo Khudbad Cajiib ah Ka Jeediyey Shirka Doha Forum ee Wadanka Qadar lagu Qabtay (Muuqaal)

Daawo: RW. Khayre oo Khudbad Cajiib ah Ka Jeediyey Shirka Doha Forum ee Wadanka Qadar lagu Qabtay (Muuqaal)

daajis.com:-   Waxaa maanta magaalada Doha ee dalka Qadar ka Furmay Shirka Doxa Forum oo uu Daah Furay Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Waxaana kasoo qayb geleen Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al bashiir, Madaxweynaha Dalka Mali, Raiisul wasaraha Lebonan Saad Rafiiq Al Hariiri, Ku xigeenka xoghayaha qaramada Midoobay Amina Mohamed, madax kale oo caalamka ka kala socotay Iyo Hay’ado Caalami ah.


R/ Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka Jeediyay shirka Doha Forum oo Diirada lagu Saaray arrimaha Horumarka, Xasiloonida iyo Arimaha Qaxootiga Wuxuuna sheegay in uu jecel yahay inuu u mahad celiyo dhammaan wadamada caalamka ee ay ku nool yihiin dadka soomaliyeed ee qaxoontiga ah.
Dhinaca kale Rw. Khayre Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu kulamo gaar ah la yeeshay Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani., R/wasaaraha dalka Qadar iyo Raysal wasaaraha dalka Lubnaan Saad Hariri Iyadoo ay ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa xidhiidhka ay soomaaliya la leedahay wadamadaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada