DAAWO:Qaabka Xoog ah ee Hanti dhowrka Guud looga Siidaayey Hotel Jazeera oo uu Xabsi Guri ku ahaa Maalmahan..

DAAWO:Qaabka Xoog ah ee Hanti dhowrka Guud looga Siidaayey Hotel Jazeera oo uu Xabsi Guri ku ahaa Maalmahan..

daajis.com:- Warar goordhow kusoo dhacay Warqabadkeena magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in xabsi gurigii laga sii daayay hanta-dhowrihii hore ee qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale


Amar kasoo baxay madaxtooyada ayaa horey loo sheegay in xabsi guri loogu xakumay Dr Nuur, oo ilaaladiisa loo haysto dilka Allah ha unaxariistii Marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud.


Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Hanti dhowraha qaranka laga sii daayey xabsi gurigii uu ku jiray ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana lagu arkay isagoo ku sugan Hotel Jazeera oo ku yaal agagaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Arrintaan ayaa waxaa ka dambeeyey xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeedo Beesha Habargidir kuwaas oo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ka codsaday in Nuur Faarax laga saaro xabsi guriga maadaama laga qaaday xilkii, ayna diyaar u yihiin in baaritaan ku aadan dilkii wasiirka lagu sameeyo.


Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa ka aqbalay xildhibaanada labada aqal, waxaana Hanti dhowrka loo ogolaado inuu aado Meesha uu rabo, wuxuuna dagay Hotel Jazeera.




Muddo laba berri ayuu Hanti dhowraha ku jiray xabsi gurigaas, wuxuuna markii ugu dambeysay ee uu saxaafadda la hadlay ku adkeystay inuusan aqbali xil ka qaadista lagu sameeyey, lamana ogo ilaa hadda fikirka uu ka qabo waraaqdii xil ka qaadista ee uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Si kastaba, baaritaan xoogan ayaa wali soconaya oo ku aadan dilkii Wasiirkii howlaha guud Dr Nuur Faarax iyadoo la ogaanayo in askarigii dilka geystay uu qirasho sameeyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada