Itoobiya oo dhismo cusub ay degto siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa (Sawirro)

Itoobiya oo dhismo cusub ay degto siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa (Sawirro)

daajis.com:- Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn dhismo ay degto siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa, taasoo ah calaamad  muujineysaaqoonsi. maadaama Somaliland ay horay iskeed ugu dhawaaqday inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Itoobiya saami dhan 19% laga siiyay Dekeda Berbera oo lagu wareejiyay Shirkad laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo DP World.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo ka hadlayay saamiga Itoobiya laga siiyay Dekeda Berbera, ayaa ka hadlay halka uu ka imaanayo saamigaas, isagoo tilmaamay in DP world oo lahayd saami ah 65% laga jaray 14%, halka Somaliland oo lahayd 35% laga jaray 5%, sidaasna Itoobiya lagu siinayo 19%, waxase uu sheegay inaanay Itoobiya weli si rasmi ah qayb uga noqon maalgashiga dekedda Berbera.

Somaliland waxay horay wakiil ugu magacawday Itoobiya, kaasoo degenaa dhisme Ijaar ahaa, balse tallaabada ay Itoobiya ku siisay dhismaha cusub waxay noqon kartaa mid xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

Dhismaha cusub ee dowladda Itoobiya siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ayaa ku yaalla Xaafada Bole, waxaa baraha bulshada la soo dhigay sawirka dhismaha iyo boor ku qoran afka English-ka”The Republic of Somaliland Permanent Diplomatic Mission Addis Ababa”, (Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiska Diblomasiyadda ee Addis Ababa).

Dhismahan cusub ee ay ku shaqeyn doonto Xafiiska Diblomaasiyadda Somaliland ayaa wax calan ah laga taagan.
Itoobiya ayaa horay cilaaqaad iyo xiriir dhow ula laheyd Maamulada dalka ka jira, iyadoo taas dad badan ku tilmaameen mid fara gelin ku ah madax banaanida Soomaaliya.

Hase ahaatee tallaabada ay Itoobiya ku siisay dhisme safaaradeed maamulka Somaliland, waxaa uu ka hor imaanayaa, hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu ka sheegay safarkii uu Madaxweyne Farmaajo horaantii bishan ku tagay Addis Ababa, kaasoo ahaa in aysan fara gelineyn madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada