Wasaaradda Boostada iyo Teknoolijiyada oo digniin ka soo saartay weerarada Internet-ka

Wasaaradda Boostada iyo Teknoolijiyada oo digniin ka soo saartay weerarada Internet-ka

daajis.com:- Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolijiyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii u horeysay war ka soo saartay weerarada dhinaca Internet-ka ee lagu qaaday illaa 150 dal, taasoo ay xustay inuu xataa saameyn karo Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Boostada, Isrgaasiinta iyo Teknoolijiyada ayaa shacabka uga digtay khatarta Virus-ka ku sii fidaya Adduunka.

Waxaa lagu tilmaamay in Virus-kan uu yahay kii ugu saameynta badnaa, kaasoo gaaray illaa 150 dal.

Meelaha laga soo sheegay Viruska ee ugu dhow Soomaaliya ayaa ka mid ah dalka Kenya oo deris nala ah, sida lagu yiri qoraalka.
Weerarkan Virus-ka wuxuu aalaaba ku faafaa dhinaca Email-ka, wuxuuna kaa xirayaa Computer-ka, iyadoo lagu weydiisanayo inaad bixiso lacag madax furasho ah (Ransom), si laguugu furo.

Ugu dambeyn waxaa warka qoraalka lagu sheegay inay suura gal tahay in Soomaali badan ay ku dhacaan dabinkaan, sidaas darteed waxaa lagu baaqay in laga digtoonaado.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada