daajis.com:- Wasiir ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda qorsheynta Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu ku fashilmay isku daygii labaad ee sameynta Baasaboor gaara.
Waxa uu sheegay inay nasiib daro tahay in Somaliland ay dadka wax la qeybsan weydo hadana ay sameysan weydo Baasaboor.
Waxa uu tilmaamay in dhowr jeer leysku dayay in la sameeyo Baasaboor u gaar ah, balse waxa uu sheegay inay ku fashilmeen isla markaana ay caburin iyo gumeysi ku hayan dadka shacabka ah.
”Waxaa ayaan daro ah in gooni leyskaga saaro Somalia iyadoo aan la sameysan karin xitaa Baasaboor, waxaan ku baaqayaa inaan la daalin dadka shacabka ah oo loo fasaxo qaadashada iyo isticmaalka Baasaboorka weyn ee dalka”
”Madaxdu waxa ay wadataa Baasabooro heer caalami ah oo ay ku safraan waxaa meesha ku dhiban waa shacabka”

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda aynan laheyn wax baasaboor ah.
Mooge waxa uu Madaxda maamulka ku dhaliilay in ay ku dhoofaan Baasabooro dalal kale, isla markaana aysan ixtiraamin shacabka.
Haddalka Cabdikariin Axmed Mooge ayaa kusoo beegmaayo xili dhawaan Somaliland ay ku hingowday sameysiga Baasaboor ay uga maaranto kan Somalia.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at